Sooyishaal miidhiyuhu
waar hoy sidaa maaha
qarankana sumee maaha
kala sooc dadkana maaha
madaxdii la soo doorto
eedeyn u saar maaha
waar hooy sidaa maaha .

sidaad doontid yeel maaha
fanaaniinta cay maaha
heesahooda soo qaado
si xun wax uga sheeg maaha.

dumarkeena Soomaaliyeed
ceebtooda soo raadi
sawiradiyo fiidiyowga
ruux kale ka soo qaado
markiib ku cay maaha

weriyaha socdaalkaa he
shacakiisu sugayaaan
si uu warar u gaadhsiiyo
qoraalada u soo saaro
sii kala fasiro maaha
xumaantana u saar maaha
waar hooy sidaa maaha

ruux bukoo sariir saaran
sawirkiisa soo qaado
dadka sadaqo ka uruuri
hadhowtana ha siin maaha

dumarkeena Soomaaliyeed
ceebtooda soo raadi
sawiradiyo fiidiyowga
ruux kale ka soo qaado
markiib ku cay maaha

Exit mobile version