islahaansho ma ogoli
aadame xoraan ahay
shalaan adiga kuu imide
hortaa adiga waan jiray
hadii aan is guursanay
macnaheedu ma ahayn
inaad ani i leedahay
ama aad i iibsatay
aduunkaan u necabahay
su,aal aakhiraadyada
erayada nuxuuska ah
xageed aaday maantiyo
yaa adi kusoo wacay

marsiintu waa ceeb
isla waynidaa daran
hadii la isku fiirsado
ixtiraamku wuu lumi
is afgarasho waa kaw
hadii aanad intaa garan
aayar usoco
kaligaa iska ahaw
aduunkaan u necabahay
su,aal aakhiraadyada
erayada nuxuuska ah
xageed aaday maantiyo
yaa adi kusoo wacay

Exit mobile version