Allaylahee Jacaykii
Jar buu iga ridee
Jiif iyo joogba diidee

Meel jid marin baa
Kaligee jaciitee

Nafta jamashadaydiyo
Jeedaal eegmada
Jaleecada idhahaiyo
Qalbigaa ku jeetee

Sideen ujoojiyaa
Jirada ugu adkeeyaaa
Xagee ujeeediyaa
oo ugu jiheeyaa

Alllahaee jacaylkii
Jiir buu igu noqdee
Joowdiyo xilka yaabee

Jugla iyo sasaba-iyo
Jugbuu igu waraabshee

Marna jilaal abaariyo
Jicleel laga hayaamuu
Sidaan ahay juguugoo
Igu jiriid xiree

Sideen ujoojiyaa
Jirada ugu adkeeyaaa
Xagee ujeeediyaa
oo ugu jiheeyaa

Allaylahee jaceelkii
Jaar buu igu dhigtee
Juuqliyo aan jibaaxee
Ijiir go’ay habeen qura
Jiro anoo useexanee

Marba libaax jabaabiyo
Jilbiska iyo awaysada
Jaaraluda tuxoobkaan
Isku jiirnay dowgee

Sideen ujoojiyaa
Jirada ugu adkeeyaaa
Xagee ujeeediyaa
oo ugu jiheeyaa

Exit mobile version