Heesta Barasho - Lyrics
naftaa barashadaadi
u bogtaa ku doonto
xiskaad baashiraadi
bartaa kuugu seele
kaa baaqan waayo
kuu beer nuglaado
hadalkayga iyo jidhjayga
jacaylkaagu biyo dhigay
odhaahda bilanbaa
rajo badan i galise
hadmaan bayd xalaliyo
badha wada yagleelna
hankaa baadsanaantii
kalada ku baadsho
kaskaa beenta waashi
ka baxa kuugu baanto
baxsanoo ku doorto
ku bogsaday aktaado
boga iyo quluubta
dareenkagu biyo dhigay
odhaahda bilanbaa
rajo badan i galise
hadmaan bayd xalaliyo
badha wada yagleelna