Markaan hadimada jacaylka
Ruqdiisa qabeen dareenka
Hamiga unuglaa buseelka
Waataad ihagrateed nacaybka
Hubaal aad Ku daysay luunka
Hadeer ha ka sugin xaqdhawrka
Markaan amba qabay haraadka
Sawtaan kaa waayey hiilka
Sideen kuugu huri daryeel
Hadoon ka bogsaday xanuunka

Markaad hanan wayday hilmaamka
Dartaa hibanaayey oonka
Heedana kala shooray ciilka
Hamiga noloshiyo xidhiidhka
Markaad hakisano go,aanka
Hagaag uga qaatay beerka
Markaan amba qabay haraadka
Sawtaan kaa waayey hiilka
Sideen kuugu daryeel
Hadoon ka bogsaday xanuun

Exit mobile version