VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Mar la arag - Lyrics

Mawjadaha jacaylbaa Meel Dheer I geeyoo Kaa maarmi maayee Mar uun gacanta Mar uun gacanta ii dhiib Mahuraan inaad tahay Milgo sharafna leedahay Mar horaan ogaadaye Macsuun caashaqa u noqo Mar horaan ogaadaye Macsuun caashaqa u noqo 2× Naftu waxay ku murantaa Mar uunbaa helaysaa Mar la arag inaad tahay Muuqaad ka garataa Alaylahee macaanoow Magacaagu igu filan Mudankii ragaa tahay Ila maamul caashaqa 2× Farxadbaan maquurmoo Alleh mahadii weeyee Sidaan kaaga marag kacay Adiguna mabsuud noqo Fatxi ii maqnaayoow Furihii naftaydoow Sidaan kuugu maranahay Adiguna I maamul 2×
Queue is empty
-- / --