Mawjadaha jacaylbaa
Meel Dheer I geeyoo
Kaa maarmi maayee
Mar uun gacanta
Mar uun gacanta ii dhiib
Mahuraan inaad tahay
Milgo sharafna leedahay
Mar horaan ogaadaye
Macsuun caashaqa u noqo
Mar horaan ogaadaye
Macsuun caashaqa u noqo
2×
Naftu waxay ku murantaa
Mar uunbaa helaysaa
Mar la arag inaad tahay
Muuqaad ka garataa
Alaylahee macaanoow
Magacaagu igu filan
Mudankii ragaa tahay
Ila maamul caashaqa
2×
Farxadbaan maquurmoo
Alleh mahadii weeyee
Sidaan kaaga marag kacay
Adiguna mabsuud noqo
Fatxi ii maqnaayoow
Furihii naftaydoow
Sidaan kuugu maranahay
Adiguna I maamul
2×
