VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Naq roob mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Deeqa Ahmed
Naq roob

Sacna waysha uu dhalo
Sanka kalama rooro
Sidi kama jecladee
Sidaasaan ka dhiganoo
Isa sudhan waxaan nahay
Sokeeye walaalo ah
Sanadkaynu joogna
Sideed guure weeyaan
Soddon tahay bishiisuna
Saddex weeyi ururkii
Iyo tiro sagaala
Sura badan fadhiistee
Saabtiyo inshartii
LA isiiyey xalaybaa
Iisuuroobi wayday
Salku dhigi ayankuye
Samir aan lahaano
Sidii roon rabaa oge
Samir aan lahaano

Ha igu samir darnaanine
Adigoon sal fududaan
Ha saluugin waayaha
Aniguba saq iyo waa
Sidaan kuugu go,ayaa
Sahankeed ku maqanahee
Sedex igu walaahiya
Kuma seexam waligay
Sir a an kugu dilaayee
Sahwiyoo jacaylkuna
Siduu adiga kugu yahay
Ayaan kuula simanahay
Saabtiyo inshaartii
La isiiyey xalaybaa
Iisuuroobi wayday
Salku dhigi ayaankuye
Samir aan lahaano

codkii Deeqa Ahmed