Sidaad ii ogayd baan
adiga mooyee ragba ilaaway
Sida ii ogayd baan
Ubax lamoodyoo kuu amaanaa
Sidaad ii ogaydbaa
Axdigaynii u adkeeyaa

Miyaad ogayd Miyaad ogayd
Miyaad iloowday

Indho jacayl igu abuurtay
Uurkaygana ku beerantahay
Maba ilaaweee

Sidaad ii ogayd buu
Afku hadalka iiga xadayaa
Sidaad ii ogayd baan
Erayadaadii kuugu heesaa
Sidaaad ii ogayd baan
Adiga awgaa aan u ooyaa

Miyaad ogayd Miyaad ogayd
Miyaad iloowday

Indho jacayl igu abuurtay
Uurkaygana ku beerantahay
Maba ilaaweee

Siidaad ii ogayd baan
Alle ku aaway kuu irraahdaan
Sidaad ii ogayd baan
oon aan kuu qabo kuu ildaranahay
Sidaad ii ogayd baan
aragtidaadii ku istariixaa

Miyaad ogayd Miyaad ogayd
Miyaad iloowday

Indho jacayl igu abuurtay
Uurkaygana ku beerantahay
Maba ilaaweee

Exit mobile version