geedi igu reeb
gaadh dantiisii
ana may igu gudhay hadal
haday labada geesood
gaashaan ka diriren
naga gacan sareeyaan
garta raacshay mawluhu
gurmad kalena filanayn
xagay godobtayadu mari
calaf god gal god ciil gal
ciil god gal god baas gal

gaadmo igu reeb
goosay dabadeed
ana galaw ma weheshaday
haday dumar gabigoood
gaaafaan xumaneed
gafka loo haloosiyay
gardarana la naaxine
garashana sidaa tahay
xagay godbtaydu mari
calaf god gal god ciil gal
ciil god gal god baas gal

Exit mobile version