hadii aan hankiyo
iska dhigo hamada
talaw miyuu hiyugu
igu hurin dareen
hadaan meel kaliyo
u tilmaamo hoy kale
talaw miyuu hurdadiyo
igu heli riyada
mahadhaa jacaylku
ma habsoobay waligii
mise heego waayoo
habrashaba ismay arag

hog hadaan ku dhuunto
hulul galo habeenimo
wu i halacsadayo
hareertayda kama dhaxo
ima hiiifo caashaqu
hawlna igama daayoo
malaha hadimadiisuu
u haystaa naruuroo
mahadhaa jacaylku
ma habsoobay waligii
mise heego waayoo
habrashaba ismay arag

Exit mobile version