qaadiroow habeenadan miyay qubatay laabtaydu
qarandida sideedii anoo ciida qodanaaya
intii aan qandoodsaday miyaan cadho qamuumyaystay
ma qiiqbaa caloosha iga baxay qanacnimadayda
qoloftaa kabriidkiyo miyaan qori ka dhuubnaaday
sabaradaa qaroodiga miyaan qaydka ku adkeeyay
ma kuwaan qareen moodayaa qoolka igu roorshay
qaarada aduunyada miyaan qaylada u tabiyay
qoomamada waxay igu wacan qoortan bay go,ane
qabrigiyo xabaalaha rag waa lagaga quustaaye
kii gumaysi kaa qaadaybaan laga qaboobayne
ma qubruhu walaalkay dilay saw ma qalooodo

qaniinyada abeesada
qacda horaad ku dhimataa
ama qodaxdu kugu maqan
qalbiguna haduu jabo
ama qooomo aadmiga
qabribuu u halisyahayee
ma qaldhamay ma qaanacay
maka qayshay buuraha
qorfo ciilkii may dhigay
waxay dumarku qiimiyo
qurux ay u leeyihiin
qoyskiyo ragoodee
markaad aragto qayrkii
qumanoow walaalkay
mar hadaan qudhii jirin
qumanoow walaalkay
qabyo weeyi noloshuye
markaad aragto qayrkii
kii ay qubacan layd
naftanay qadhaadhkiyo
qoondaysa dhimashada
qabrigaad galaysiyo
sii qodo xabaashaada
nolol waan ka quustee

Exit mobile version