damqashada jacaylkiyo
dareenkaad i galisaa
wali igu dahaarane

runtii waad i deeqdo
kuma dayn karaaye
dooni maayo ruux kale

doogii indhaygow
dawadii naftaydoow
DAA'IM ha isu keen simo

dugsigii naftaydoow
daacaduu ILAAHAY
ii dooray kaliyow

farxad iyo damaashaad
aan ku dayrno noloshee
dayac yaanu kaa iman

Exit mobile version