naftaa dhooftoo aan dhiman
dhibaatay leedahoo
waqtigu wuu dheeryahoo
dhulkuna wuu kala fogyay

dhaayuhu ma arkaan kolay
naf meel dheer kaa jirtoo
dhanbaalada soo diroo
dhagaha uun igala soco

jacaylbaa i dhalan rogoo
hurdana dhaafoo ka tagay
habeen waa dheelmadaa
dharaartiina waan socdaaye

Exit mobile version