Heesta Iguurso aqal igeyso - Lyrics
anigu adigaan ku doortoo
wiilyahaw inan kale ma eego
ayaantaan ku arki waayo
ogow naftu ma xasilaysee
markuu eedaanku yeedho
baryo waaga aroortii
indhahaygu waxay jecelyihiin
adi aragaaga weeyoo
agtaadiyo waxaan doonaya
inaan noqdo ooridaadee
i guurso aqal i gayso
ilays mugdi ii bixiyo
iftiin i hagaad tahoo
adoo qudhaan aynigaaga
anigu istareex ka qaadaa
waxaan dheerahay asaagay
Aayaankaan kugu heloo
ILAAHII iskeen baraa
abaal ugu mahad naqaaye