been lama tilmaamee toolmoon
tin iyo cidhib qurux waxay ka tahay taam
taariikhda noloshiyo tusmadiyo aqoontana
rabi wuu u dhamaystiray
waa tima haldhaalay xushmad lagu talaaloo
waalidkeeda toolmoon kumuu tacab khasaarin

talaaba wanaagsan toolmooneey heey heey
hobeey nuurbaan u tumaynaaye
ee caawa yaan u kala tagine
ee rabi waxan ka tuugaa
taladaa inaad wadaagtaane
hobeey tawfiiq lahaataane

hobeey aqalkiina tiir adageey
taagnaada waligii yee
tusan iyo barwaaqa ah ee
rabi idinku taageere
tu san iyo barwaaqa ah e

taashbaan ku saarnoo
toolmoon tol iyo gacal
arooskiina taagee
taxanaha jacaylkiyo
tashigiyo is maqalkana
ha ka tagina waligiin
waydinkaa tis qaadee
tubta toosan wada mara
tabca ubad xalaaloo
tarankiina lagu farax

Exit mobile version