VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Waadiyada kalgacal. - Lyrics

Anoon waaya arag noqon Weberkaan jeclaadee Waadiyada kalgacal kaleh Shalay iga waraabshoo Maankoon ka waashiyo Anoo wehel maddoontii La iwalwaalay mooyee Weligeey intaan jiroo Kaa weecan maayoo Inaan kugu wacad furoo Waa waxaan dhacayneee Adna taa wax garadoo Waqaa laabta geliyoo Ka weydee jacaylkee Nafta weheshigeedoo Waaxdaada noolee Kana dhowr waxyeelada Anoon waaya arag noqon Wiilkaan ka helayee Webiyada cishqiga sida Samo iga waraabshoow Dadnimadii wacneediyoo Wanaagaad u dhalataa Kasha weli kudheeroo Waagii dillaacaba Jeeraan war kaa heloo Wadnahayga inanyahow Werwer baa ka ooganee Adna taa wax garadoo Waqaa laabta geliyoo Ka weydee jacaylkee Nafta weheshigeedoo Waaxdaada noolee Kana dhowr waxyeelada
Queue is empty
-- / --