VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Baaylood - Lyrics

Imisaan digniin iyo Soo diray fariimo Daji lahaa falaytka bayloodkii sidayaaye Imisaan daryeeliyo Samir daadaheeyoo Jacaylkayga duuga Dusha iiga kaa raraye Adna doonistaada Daalkiyo dhibaatada U dul qaatay waayoo Adigoon dareemayn U dan seegay awgaa Imisaa daciif iyo Doqon la igu timaamay Nacab dirediraale ah Ka difaacay caashaqa Imisaan dadaaliyo Daacad kuu waramayoo Dakhatkiyo dhibaatada Ha igu daawan aan idhi
Queue is empty
-- / --