Heesta Balantii - Lyrics
Balantiyo axdi dhowrka
Uur samaantiyo muuqa
Garaadkuu alle siiyay
Wuu istaagey istaagey
2x
Iimaankaa sharaftiisa
Odhaahdiyo kartidiisa
Naxariista ag taala
U riiyaqey riyaaqey
2x
Gurigooda agtiisaa
Aagagaarku koo noolyay
Bartuu joogay ilaa xad
U dhaqaaqey dhaqaaqey
Bartuu joogay ilaa xad
U dhaqaaqey dhaqaaqey
2x
Ehelkiisa samaanta
Axdiguu ila dhowray
Siduu iila fahmaayo
U riyaaqey riyaaqey
2x
Markuu joogo agtayda
Een jaleeco agtiisa
Ishay wey jamataayoo
Uur samaadey samaadey
2x
Gurigooda agtiisaa
Aagagaarku koo noolyay
Bartuu joogay ilaa xad
U dhaqaaqey dhaqaaqey
Bartuu joogay ilaa xad
U dhaqaaqey dhaqaaqey
2x