Heesta Mi amor - Lyrics
inkastoon qabwaynida
dadka kale ku qaabilo
qudha aadmi ku jecel
qaban mayso meelkale
sidaad ii qadarisaa
anna kuu quweeyaa
qumanoow daraadaa
dumar qiimo dhaafee
ragga qaayo dheerow
kaa dhawray qaladkii
ha hilmaamin qumanida
sadrigaaga qayb keen
dhab u qaado kaygana
qalbigaan ku siiye
wadnahaaga ii quudh
boga waad ku qorantoo
qofna kaama tiri karo
kasha kugu qarwaysana
qancin maayo ruux kale
sidaan ku qaren sado
adna iigu qiil xidho
naftaad qiil badee
oo waan kugu qaboobee
noloshaena qaabee