Qawlkiyo hadalkaagan wacan Wax wayn buu qaban lahaaye Maalmihii qaribnaa dhankayga Xaggeed qosolkani la joogtey Qof aan u qalmayn naftayda Intaan u qasbaayey ruuxda Jawigu wuu iga qasnaaye Qiimaha waad igala raagtey Hadduu qalab yaalo maanka Qalbiga lagu eegi karo Siday qudhu kuu jeclaatey Waxaa qiri laa aduunka Jismiga qaybaa maqnayde Qalbiga waad igala joogtey Meel baad ku qornayd jidhkayga Kaligaa qasri kuugu yaaley Nasiib qoran bay ahayde Khilaafka iswaaga keenay Adoon iska qoomamaynin Farxadda maantaba qaleeyay. Hadduu qalab yaalo maanka...
