VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Nasiib qoran - Lyrics

Qawlkiyo hadalkaaga wacan Wax waynbuu qaban lahaaye Maalmihii qaribnaa dhankayga Xageed qosolkani la joogtay Qofaan u qalmayn naftayda Intaan u qasbaayay ruuxda Jawigu waa iga qasnaaye Qiimaha waad igala raagtay Haduu qalab yaalo maanta Qalbiga lagu eegi karo Siday qudhu kuu jeclaatay Waxaa qiri lahaa aduunka Jismiga qaybaa maqnayde Qalbiga waad igala joogtay Meel baad ku qornayd jidhkayga Kaligaa qasri kuugu yaalay Nasiib qoran bay ahayde Qilaafka is waaga keenay Adoon iska qoomamaynin Farxada maantaba qaleeyay Haduu qalab yaalo maanta Qalbiga lagu eegi karo Siday qudhu kuu jeclaatay Waxaa qiri lahaa aduunka
Queue is empty
-- / --