Qawlkiyo hadalkaaga wacan
Wax waynbuu qaban lahaaye
Maalmihii qaribnaa dhankayga
Xageed qosolkani la joogtay

Qofaan u qalmayn naftayda
Intaan u qasbaayay ruuxda
Jawigu waa iga qasnaaye
Qiimaha waad igala raagtay

Haduu qalab yaalo maanta
Qalbiga lagu eegi karo
Siday qudhu kuu jeclaatay
Waxaa qiri lahaa aduunka

Jismiga qaybaa maqnayde
Qalbiga waad igala joogtay
Meel baad ku qornayd jidhkayga
Kaligaa qasri kuugu yaalay

Nasiib qoran bay ahayde
Qilaafka is waaga keenay
Adoon iska qoomamaynin
Farxada maantaba qaleeyay

Haduu qalab yaalo maanta
Qalbiga lagu eegi karo
Siday qudhu kuu jeclaatay
Waxaa qiri lahaa aduunka

Exit mobile version