Heesta Dhalinyaro - Lyrics
dhalin yaro soomaali way dhalatoo
dhulkadii hore ugu dhaaratee
dhalin la dhakro la dholan rogay
dhawaaqoodiiban maqloo waan dhibsadee
dalkaan ku dhashoo dhamaan ku dhaadane
dhag xumada ka dhara dhibaatada e
dib u dhiska qarankana dharayaayoo
dhudhunkiyo xoogeena aan ku dhisnee
dhoofiyo tahriibaan ku dhamaanaye
dhimasho iyo halaagbaan ka wada dhaxalne
dhiga dabka dhalinyaro qalinka isku dhiiboo
dugsiyada dhigta
qabiil iyo qudhunbaa na kala qaybsadee
qalinka isu dhiiboo dugsiyada dhigta