Dodob dilaaciyo
Tiriigaa dambayniyo
Naf ku taagan baan ahee

Markaa turaaturaatoo
Garbaha tiirsanaysiyo
Gacmaha tiirsan laydiyo
Naf kuu taagan baan ahee

Waxaad igu talaashiyo
Ha diiq raarin caashaqa
Waxaad igu talaashiyo
Ha diiq raarin caashaqa
Naf kuu taagan baan ahee

Ruuxaad tabaysiyo
Taageera iyo hiil
Naf kuu taagan baan ahee

Markaad talada seegtoo
Tabaalaha aduunyada
Ninkii tulagsanlaa iyo
Naf kuu taagan baan ahee

Waxaad igu talaashiyo
Ha diiq raarin caashaqa
Waxaad igu talaashiyo
Ha diiq raarin caashaqa
Naf kuu taagan baan ahee

Exit mobile version