2x xuralcaytii dunidaay xidigtii haweenkaay xawalayda oo idil taan ka soo xushaay
2x kol hadaan xilahaygiyo xaaskaygi noqotay guri xalaala jogne
2x xil waynbaa na saarane xigtadiyo qarabada xagaygiyo xagaagaba waa inan xaqdhawrnaa
2x isxaqdhawrka labadeena hadaan xappi igu tidhaa ana xayaati kugu idhaa
2x xamdiyeey xagaygaa qalbigu uu xasiliyaa xaaduna istaagtaa
2x qurux loo xantoobshaay xaragada udhalataay xubno dabacsan leyeey tii xiskayga deeqdaay
2x xaqiiqadii jacaylbaa xananadii naftaydaay xumaan kuma qudhee
2x haday xurguf timadana aan kala xanaaqnana aan xalino dhexdeeno yayna ogaan dadkeena
2x is xaqdhawrka labadeena hadaan xabiibi igu tidhaa ana ayaati kugu idhaa
2x xamdiyey xagaygaa qalbigu uu xasiliyaa xaaduna istaagtaa

Exit mobile version