cududii nimaan cunin
ciil kama fogaadee
calafkii ma dheeree
waa cuduro waaweeyne

caaashaqu nimuu helay
iyo cud nimaan dhaqan
caaqibay isa seegoo
waa cuduro waaweyne

nimay dumarku cariyeen
ceebtiisu ma dhaxdoo
caafimaad ma seexdoo
waa cuduro waaweeyne

cadan iyo jabuutiba
carfi lagama waayoo
caqligaygi waaloo
waa cuduro waaweyne

sidii cawl banaaniyo
ciirsilaan u baxayoo
cidladaan bariistoo
waa cuduro waweyne

Exit mobile version