VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hees kaban 4 - Lyrics

inanyahoow tabaaliyo taariikh is qarashiyo tashi wuu dhamaadee nabsi waa tamootiye waa intuu ku taabee haku qaadin tuurtee taawilo ma sheegteen tii aad i marisaaan haku tumanin taladee taabkaad ku haysaa inanyahay tabaalliyo taariikhda biisoo kugu tacab khasaaree taladeenii adigaa tuuraha ka yeeloo tartarada ka jabiyo taahaan qarsanayaan taataabanaysaa tooobiyayso inanyahay tashi iguma laabnee tiiraanyadaasiyo taahu aniga maahee tu kalaad u hadaftee waxaan ahay tilmaan dheer tii aad la socottee tuhun yuu ku qaadine toorhan aad haysiyo tanba maan filaynee ha ku tumanin taladee taabkaad ku haysaa talo kuu jideeyoo kuna taakuleeyoo adiga iska tuuroo tawdaan is baranaa taydii ilawdoo tukalow u raacdee tuhun maahoo sheekhi waadigii la taagnaa toobiyayso inanyahay tashi iguma laabnee
Queue is empty
-- / --