ma ogtahay qayaanadu
waa qac iyo hadimoo
nabsigii aan quudhsaday
igu qarax sidii danab
ma iga qubay jar iyo qaw
dhadhansaday qadhaadhkii
waanan qiray inuu jiro
sidaan qoorta ula galay
i qalalaaso iyo hawl
jacayl baa u qaw kulul
hadaan qudhi ku dhaafine
adiga oon wax ii qaban
nolol waan ka quusnee

ileen dumar ma quustaan
qayrkood ninka u jecel
iyagoon qadarin jirin
nabadana ku qoonsada
markay talo qayaaday
dib u qoomameeyaan
quruxeey waxba ha tarin
naftii qaaliga ahayd
ee la iga qarin jiray
sawkan qiimaheed dhacay
wakhtigiina kala qubay
adigana maku qabsaday
durba qiiq makaa baxay

adigooy qandhiyo cudur
qirin qiir ku galiyeen
hadaan kaa qawaday beri
wakhtigaa is qalabayee
anuu igu qaloocdoo
waanigaa qaldhabayee
quduradu i sidatee
qaniinyada halkay mudan
qof kaloo qareen u ah
ma qiyaasi karayee
qalbi jabaye hay qadin
adiga oon wax ii qaban
nolol waan ka quusnee

halkaad qoontay berigii
wali way i qoontoo
ma qaboobin nabarkii
qolofina ma saarine
wuu ii kala qayaxanyee
qacdii aad i yeeshiyo
anoo ciira kuu qaba
nabssi qawdhamayaa
haduu kugu qayuursaday
ha i odhan wax ii qabo
qasnad weeyi hadalkuye
adiga ooon murtida qubin
iga quuso inanyay

Exit mobile version