VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Arligeygow - Lyrics

hadii aanay dabeel hurin awood maleh nafteyduye markaan uurka hooyadeey ifka uuga soo baxay anigoona anfaco baran neecawdiisa uduga leh kii igu canqariyoow arligeygoow inaan kuu adeegoon aduunyada intaan jirin waajibkaga oofshaan axdi kuugu marayaa arligeygoow ninkase kaa ordee kaa abaal dhacee adoonsiga la jira saw ma oga horta saw ma oga noloshiisa oo idil saw ma oga waxay ku ambaqaadaba saw ma oga oontaada inay tahay saw ma oga ab looga hadh inaad tahay saw ma oga dhaxal awoowe inaad tahay saw ma oga isagu inuu ku leeyahay saw ma uga waxse ku uursamaataa arligeygow irbad kaama ridi karo aqoonyare bulshadana ku ceebow udubkiyo dhigihiyo aloolka iyo raarkaba aqal kaan ka helayow intaan dibada joogo ajashu ii timaadana kii laysoo ambinayee iilkey ku yiiloow arligeygow inaad ku ogalaado adduunyada intaan jiro aayaahaa ka taliyaan axdig kuugu marayaa arligeygoow ninkase kaa ordee kaa abaal dhacee adoonsiga la jira saw ma oga horta saw ma oga noloshiisa oo idil saw ma oga waxay ku ambaqaadaba saw ma oga oontaada inay tahay saw ma oga ab looga hadh inaad tahay saw ma oga dhaxal awoowe inaad tahay saw ma oga isagu inuu ku leeyahay saw ma uga waxse ku uursamaataa arligeygow irbad kaama ridi karo aqoonyare bulshadana ku ceebow
Queue is empty
-- / --