tagay ceelshaaa bariyoo baryana tagay
buuhoodle buuraan ka haybsadoo
biyaan dhuray birta caynaboo
berdaha ku wareegay buur dhaaboo
ka baaqay banaanadii hawdoo
biimeeyay naftaan bogsiin jirayee

kaan u jiidh go,ayoow
waa jacaylkaagee
ala janooy aawadaa
ma jiifsado ee

baabuur hawd tagayaan halabsadayoo
habeenkii daroor usii hoydoo
ka haw idhi hiirtii waabariyoo
hadhkii maalinimo haday tahayoo
galool hadh dacar leh yar hoos galoo
halkaana cabaar ku yara hakadoo
sidii haatufkii waxbay ila hadloo
hareertaydaan eegayoo hinqadoo
haleeyay hubkaan sitoo idiloo
hayaan hawd tagaya haybsadoo
hore usoco bay i yidhaahdeenoo
hagaag ii tilmaame hilinkiiyoo
kusoo hirtay hugunkii reeraha oo
hoos baan u waraystay hoygoodoo
kamaan helin taan u hawlgalaye

taan u jiidh go,yoow
waa jacaylkaagee
ala janooy aawadaa ma jiifsadee

Lyrics by Ismacil Ahmed

Exit mobile version