Heesta Afrikaay - Lyrics
afrika afrika afrika afrikaay
afrika qaylisoo
waxay war qayaxan ku tidhi
anigu qarykay ka hadhay
qaaradihii iga tagoo
adoonbay kasbadeeno
qaarbaa dayaxa qasbaday
nasiibkaygan qaba
dadkayga wada qabri ah
qarnigoo labaatana
kursi ku qamaamayaan
qabiil isku laynayaan
naafadoodiiba qaxdoo
dunida qarafaysatoo
qaatiba laga taagan yahay
inay quus wada yihiin
ciidooda qaaliga
qayraadkuna uu dhexyaal
qaraamad in loo guray
asaagooda ka sugayaan
miyaydaan ceeb quusanayn
miyaydaan garbeebsan karayn
miyaydaan kiini qaldama
walaal qaban karayn
afrika qoys qudha tihin
afrika oo kiin mideeyay
afrika cadawgiin ha quustee
a midigta isqabsadoo afrikay