anigoon wax badan jirin
walbahaar kalgacalba
igu waabariistee
wahaadaye naftaydii
waxa haystaan la yaabee
wadada iyo gaadhibgaba
kama weecanaysee
wiil yahoow ku waayee
war miyaanad iga hayn
mise waranka caashaqu
kaligay wareeyoo
igu wiirsadaa tahay

wacdaraha aduunkaa
i weedhimaanayee
wadnahayga inanbaa
looga waab sameeyee
wanaaga iyo sheekadu
waxba iima tarayaan
naftana wehel ku moodee
kuu wisiisiyaysee
ka wanaaja maad noqon
mise waranka caashaqu
kalaigay wareemyoo
igu wiirsada tahay

Exit mobile version