Heesta Anoo kaa dharsugaayaa - Lyrics
dhabarka iyo laabtiyo
dhinaca wadnahaban
dhamac kulul ku beerto
dhaawacbaan qabaa
ogow lay la aanta
dhulka ila wareego
cirka ii dhawaaqo
ka dhawrsanmaayo
wada dhalashadeeniyo
dhiigeena eego
dhibaatadan i haysa
kolay dhiiga dhaqaaqi
dhankasta oo la eegaba
dhaayaha u rooney
waxaan kuugu dhegayaa
wada dhalashadeeni