logo Masuul Top 100 songs lyrics chart Contact


A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dab markaan ku joogsadaa damqadaa mp3 ahaan

Sawirka Durdur Band

Durdur Band

DajisVideo info Whatsapp

Our Snap: Lamaane

Embed

Fikradaada ka dhiibo heestan

Dab markaan ku joogsadaa damqadaa lyrics

ab markaan ku joogsadaan damqadaa
Daad markuu I qaadaan ka durgaa
Danno markay I gaartaan dulqaataa

Doqoni hadal ma deysee
Markay dani I dhaaftaan daba ordaa
Tallo markay I deysaan dabagalaa
—–
Ka dib u fiirsan maayee
Derbiga waan iska jiirayaa ani
Dariiqaan mar iraahdaba
Dudumo dabool iyo dugob baa ku go’anoo
Waaba leyga darayaa
Dakanna dusheey bal daya’oo
Daqar jaceylkan daya’oo
Daawa la’aantiis daya’oo
Daawa li’ideey daya’oo
—–
Aqal aan dedneyn baan dugaashadaa
Daal iyo xanuun baan la dekaa
Jaceyl aan demeyn baan dul joogaa
Doqoni hadal ma deysee
Markay dani I dhaaftaan daba ordaa
Tallo markay I deysaan dabagalaa
Ka dib u fiirsan maayee
Derbiga waan iska jiirayaa ani
Dariiqaan mar iraahdaba
Dudumo dabool iyo dugob baa ku go’anoo
Waaba leyga darayaa
Dakanna dusheey bal daya’oo
Daqar jaceylkan daya’oo
Daawa la’aantiis daya’oo
Daawa li’ideey daya’oo
Lyrics by Masuul.com

heesta ma shaqeeneeso fadlan nala socodsiiy
-- / --