Dawooy dawa caafimaadey
Darmaan qurux lagu mariibaaye
Dareenka naftaydaa kuu ciyaaye

Dawooy dawa caafimaadey
Darmaan qurux lagu mariibaaye
Dareenka naftaydaa kuu ciyaaye

Deegaan baxdaay
Ubax dilaacaay
Maxaa damqashada
kalgacaylka dartaa
U haraadey

Deegaan baxdaay
Ubax dilaacaay
Maxaa damqashada
kalgacaylka dartaa
U haraadey

Maxaa gabalkoo dam yidhi
Dadkoo seexday guuro galay
Maxay dambi igu ahayd
Darteeda inaan u kaco
Ma quutaane igu badnaa

Maxaa gabalkoo dam yidhi
Dadkoo seexday guuro galay
Maxay dambi igu ahayd
Darteeda inaan u kaco
Ma quutaane igu badnaa

Dugsiyoow dugsi lama huraanoow
Dabayshii dhaxanta celiyoow
Cir da,ay dalmudeeya roobow

Dugsiyoow dugsi lama huraanoow
Dabayshii dhaxanta celiyoow
Cir da,ay dalmudeeya roobow

Duufaan caashaqu
Caashaq wadiyoo
Maxaan doog soo
Rogmaday dabaashey
Habeen madow

Duufaan caashaqu
Caashaq wadiyoo
Maxaan doog soo
Rogmaday dabaashey
Habeen madow

Maxaa diifka iigu daal
Dadkaa kula yaabi oo
Maxay dibinkoo caashadiyo
Xusuusuhu i daashadeen
Maxaa nabarkaa darnaa

Maxaa diifka iigu daal
Dadkaa kula yaabi oo
Maxay dibinkoo caashadiyo
Xusuusuhu i daashadeen
Maxaa nabarkaa darnaa

Dadaalkaygaa mudnaa
Daryeelkaaga wacnaa
Inagoo isku duuban iyo
Dadkii na gargaariyo
Deeqdaa rabibaa lahaa
Damaashaad ila cayaar
Damaashaad
Damaashaad ila cayaar
Damaashaad

Dadaalkaygaa mudnaa
Daryeelkaaga wacnaa
Inagoo isku duuban iyo
Dadkii na gargaariyo
Deeqdaa rabibaa lahaa
Damaashaad ila cayaar
Damaashaad
Damaashaad ila cayaar
Damaashaad

Dulqaadkaygaa badnaa
Degenaansho adaa lahaa
Inagoo isku duuban iyo
Ducada waalidkeeniyo
Deeqdaa rabibaa lahaa
Damaashaad ila cayaar
Damaashaad
Damaashaad ila cayaar
Damaashaad

Dadaalkaygaa mudnaa
Daryeelkaaga wacnaa
Inagoo isku duuban iyo
Dadkii na gargaariyo
Deeqdaa rabibaa lahaa
Damaashaad ila cayaar
Damaashaad
Damaashaad ila cayaar
Damaashaad

Dulqaadkaygaa badnaa
Degenaansho adaa lahaa
Inagoo isku duuban iyo
Ducada waalidkeeniyo
Deeqdaa rabibaa lahaa
Damaashaad ila cayaar
Damaashaad
Damaashaad ila cayaar
Damaashaad

Exit mobile version