Heesta Bilic - Lyrics
Maxaa bilicdaada nuurkiyo
Baafiyay warkaadoo
Barbaartaba dhamaantood
Ubaal maray gayaankee
Baashihii naftaydoo
Midkaan baafinaayee
igu beeray caashaqee
barbarkaaga igu qabo
Maxaan barkimada dhaxdaydiyo
Kaa baaray gogashoo
Bartamaha habeenkii
Bogan waayo jiifkee
Baashihii naftaydoo
Midkaan baafinaayee
igu beeray caashaqee
barbarkaaga igu qabo