cir guduudtay waagiyo
timirtoo casaatiyo
canabko bislaadiyo
cidlo rays ka baxayee
dumbir caano galisiyo
ubax caynba cayniyo
waxaa tahay cadcedo
beeraha cagaarka leh
cambaha iyo caadkii
ku cadaysay nuurkaa
calaf waa halkiisee
caashaqan iskeen baday
cawadii aduunkaay
igu curay sidii roob

haduu caawa igu yidhi
bada cagaha galiyoo
timaha caarada usooh
soo xidho cunaabiga
sadex qayd cartiinloo
wali caaro jabiniyo
cambarsha iyo laasima
sindi ceerigaabiya
haduu cududa ii sudhay
ila caarid anigee
calaf waa halkiisee
caashaqan iskeen baray
ha igu carinin anigee
ku cugtaye ma nabad ba

hogol curtay dayroo
curub cidhifyadiiso
coodala ku hoortoo
intay xaadhay caymaha
cosobkiyo barwaaqada
cidu nabad ku daaqdaa
farxad lagu caweeyoo
eksiimooday cuudkii
ayaad ii cajabisaa
xidigtii cirjiidhaay
calaf waa halkiisee
caashaqan iskeen baray
cawadii aduunkaay
igu curay sidii roob

cayuun nacasa mooyee
gaaridu ma caasido
curadkii hagaagee
ciiday u shaqeeyee
dalka caabiyaayee
sida caynkad aad tahay
caashaqad daweeyee
haduu yidhi cuntada daa
ha cabine biyaha diid
cudur weeye halisee
calaf waa halkiisee
caashaqan iskeen baray
ha igu carinin anigee
ku cugtaye ma nabadbaa

Exit mobile version