Heesta Jinkaa - Lyrics
Jabxanuun adoo la jiiftee
Jiradiisa ka soo joogsan waysay
Jidka oo jamiixa waynaa
Jismigaaga ku soo jareexmayee
Jaarkaa ma helee
Jareexdaa ma rabee
Jeeloo aboo ila joogee
Jahadaada lee ujeedaayee
Yaa kula jiraayee
oo kuula jabaayee
Iga joog aniga waaba kaa jeestayee
jarso meel jinkaaga joogaanee
Jalbo iyo jacayl aan dhaxjoogaa
Hana idiidin waan kuu jinoobay
Joog dheer jamaal badnoo
Jaranoo makaa jeesahaayee
Yaa kula jiraayee
oo kuula jabaayee
Iga joog aniga waaba kaa jeestayee
jarso meel jinkaaga joogaanee
Jaarkaa ma helee
Jareexdaa ma rabee
Jeeloo aboo ila joogee
Jahadaada lee ujeedaayee
Jarkabood xuun aad ila jeeday
Jabtay waa ku sii jaahilooday
Jisaday jaliilkayga kaa gooyee
Jidka waa lagaa jaasinaa
Jaarkaa ma helee
Jareexdaa ma rabee
Jeeloo aboo ila joogee
Jahadaada lee ujeedaayee
Yaa kula jiraayee
oo kuula jabaayee
Iga joog aniga waaba kaa jeestayee
jarso meel jinkaaga joogaanee
Jimcadii aan jahwareeray
Jug xunaa la igu soo jalaafayee
Jacda waa jawaab kuleel
Walee jacda waa jawaab kuleelee
Jibiskaa miyaa jeestadaanee
Yaa kula jiraayee
oo kuula jabaayee
Iga joog aniga waaba kaa jeestayee
jarso meel jinkaaga joogaanee
Jaarkaa ma helee
Jareexdaa ma rabee
Jeeloo aboo ila joogee
Jahadaada lee ujeedaayee