dhagar qabe jacaylbaa
i dhaadhaaminaayoo
dhiigayga nuugayee

halbawlaha dhexdiisiyo
wadnuhuu dhex jiifsaday
dhawaaq la iga waayee

dharaartiyo habeenkaan
dhididaa dhamaantay
adigaa dhibta i baday
qalbigayga dhaawacay
oo dhantaalay dhaartii

dhakafaarshe weeyoo
dhinbiil iyo xanuun wata
dheel mada habeenkii

aniguna dhibkiisaan
dhabanada la haysta
dhugna iima hayside

Exit mobile version