Heesta Xamsa - Lyrics
xurmaan adi hayaa
jacaylkaan xushmaynaya
xagaygaad ku wayntahee
xamsow xajiyoo adkee
xumaantana iga agow
xilkaan ku xanbaariyee
xifaalaynta xaasidkaa
xiriirka yaanay goyn
xogta yaan lagaa helin
xadiidkuba xamsow
xajar waa jajabiyaa
ana xakamaheegii xayati
xubigaa ka xoog badan
xanuunkii ku gaaray iyo
xili hore wixi dhacay
xawaare ayay ku mariyeen
marnaba ha ku xisaabtamin
xaaladihii adkaa
xujaday ku galiyeen
xornimaan ka gaadhnee
xasuusoo xiskaa ku hay