VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Aduunyada - Lyrics

Aduunyadu waa sidee Xagee saacaloo u wacan Golaha lo seerayaa Samaan waa laga tago Xumaanbay sahamisaa Si ay noqon lama yaqaan 2x Sasabo suul dhabaala iyo Sabaalaa lagu wadaa Inay saxmi waa da,moo Mar uun salka dhigatayee Anoo saynabay ku nicin Si weynbaan ku jeclee Si weynbaan ku jeclee Salaan wacan iga gudoon 2x Aduunyadu waa socdaal Sanado lagu noolyahoo Safarbaa lagu jiraa Saadasheedu way fogtoo Sidaad doonto lama heloo Silsilad weeye taxanee 2x Sasabo suul dhabaala iyo Sabaalaa lagu wadaa Inay saxmi waa da,moo Mar uun salka dhigatayee Anoo sahaloow ku nicin Si weynbaan ku jeclee Si weynbaan ku jeclee Salaan sharaf iga gudoon 2x Ninkii sarar dheer lihiyo Sabool danyaro waxay Rajada waa u siman yihiin Sadkana calafbaa ka badan Hadaan mawdku soo horayn Sirteedana lama ogee 2x Sasabo suul dhabaala iyo Sabaalaa lagu wadaa Inay saxmi waa da,moo Mar uun salka dhigatayee Anoo saynabay ku nicin Si weynbaan ku jeclee Si weynbaan ku jeclee Salaan wacan iga gudoon 2x Abaar soomalhaada iyo Ogow seerma weydo roob Naflaha uma wada sinee Marbay subag iyo labeen Ku siisaa sooryo wacan Marbay kugu sahan tahee 2x Sasabo suul dhabaala iyo Sabaalaa lagu wadaa Inay saxmi waa da,moo Mar uun salka dhigatayee Anoo sahaloow ku nicin Si weynbaan ku jeclee Si weynbaan ku jeclee Salaan sharaf iga gudoon 2x
Queue is empty
-- / --