wiilyahaw garaadkiyo
gobonimaad u dhalatoo
geesi lagu hirtaa tahay
guud ahaan ragaa idil
garashaad u roontee
gargaarkii jacaylkoow
gacantaad isiisiyo
goortii aan u baahnaa
galad weeyi kuu taal
xag kastba gaadhee
waxaan nahay gayaanoo
u gudbon jacayllkee
gacmo furan dhankaygee
adigiyo nin garadkaa

godonkii bugaal
ama hawd guntisii
gayigoo barwaaqa ah
marka geelu wada dhalo
gego yaa yagleeloo
guri kaaga taagoo
kula gala aroosoo
gabdho aad u wacaniyo
ku xambaara gubanoo
dabadeed ill gacalnimo
waxaan nahay gayaanoo
u gudbon jacayllkee
gacmo furan dhankaygee
adigiyo nin garadkaa

Exit mobile version