VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Maamuus - Lyrics

maamuuska sharaftiyo milgihiyo dhaqankaba midi lagu manaystaay macbuudkaa quruxdiyo maskax gaara siiyee marwo lagu majiirtaay milicsigaaga eegmada jacayl i dhex maquuree waa maalmo duniduye aan wada mushaaxnee midhihiisa guranee midigtaada ii dhiib mudnihii aqoontiyo madhaafankii ragee murti eebe siiyaw muujiyee ka lexane midhkii u lahaayee maldahee sarbeeboow macaaneeyay sheekada caashaq ii malxiistee waa maalmo duniduye aan wada mushaaxnee midhihii guranee mawle ha isku ken simo hadal waa midkaa tidhi ana maagi maayoo meermeerin maayee ma maqnaan karaayee marna maarmi maayee mudan aragtidaadi muunadaada wacanbaa muxibooy igu abuurtee waa maalmo duniduye aan wada mushaaxne mirihiisa guranee midigtaada ii dhiib anaa kaaga marag kacay inaa tahay masuul madal rag isku arkiyo mawlac diintu taaliyo marinkii hagaagsani ka maqnaaninoo mufti iyo mideyoo maxastana dareeloow waa maalmo duniduye aan wada mushaaxnee midhihiisa guranee mawle ha isku keen simo
Queue is empty
-- / --