Heesta Waayaha - Lyrics
wadnaha wiilkaan u uray
qalbiga wehelkiisa ahaa
wadeeca ka dhaawri jiray
wanaagiisana jeclaa
haduu wado kale maroo
is yidhi waad ka maarantaa
ogoow waran halista iyo
waaxyaha gooyu noqde
wakhtigu ima soo dhawayn
waayuhu iiima hagar baxan
warkaygana cidi ma oga
anoon wacadki ka bixin
gayaan wali kuugu jecel
waxbaan kuu sheegayaa
dhegaha waanada u furo
wanaaji sheekada macaan
walaac ha igu beerinoo
waxyeelo ciil hayna badin
wacane soo noqo mar kale
wakhtigu ima soo dhawayn
waayuhu iiima hagar baxan
warkaygana cidi ma oga