jacayl beerkiyo wadnaha bogiyo laabta seexdayoo
adaa ii baaqayoo ii bildhaamayee kuu baahanee
badheedhaan kuu jeclahay bushaaraad ii thehoo
badhaadhaha aduunya iyo bilkhayrbaad ii tehee

jacaylkaan beernaybaa barbaaree kaalayoo
ubixii biyaynee

jacayl boorahaa ka culus badwaynta ka si gun dheer
ayaa igu baahayoo igu baahsanee
bishmaha hadalkaad ka tidhi dhagihii bartay way rabaan
indhaha biligtoodiyo budiyo wiilashaa ku jecel

bildhaan qurux baar caseey adaa bilimiidhanoo
adaa bligii hablaha buruudkii qaatayoo
adaan burciyo nugaal anigu kaa baafiyoo
adaan dhagax buur barbara
bari iyo gal beed kaa baafin jiray

busaylkii caashaqbaa naftayda ku baahayoo
bogiyo wadnuhuu galoo naftii barataa rabtee
bildhaantuna waa sad wayn baahida kaa caawisoo
bogaa ku qaboobiyoo qofkuu beerkaagu rabo

Exit mobile version