Heesta Dawga ceerigaabo - Lyrics
Dal wuxuu dannoodaa
Markuu daw helahee
Gaadiidku gindimayee
Dara joogta bannaanka
Dalxiis umarayee
Ragga dowga horseeday
Weey ducaysan yihiine
Weeynaan dhistirnaayoo
Muruqayna ku deeqnoo
Ku darnaa hantideennoo
Daacad ula shaqeeyoo
War dadkaygoow
Hooy dadkooy
Waa daruuri
Dawga ceela tagayoo
Dalkiibaa isku xirmayee
Degdeg aan u bilowno
Inbadan bay dayacnaydoo
Sanaag ay dulmanaydoo
Dalka ay ka go'naydoo
Dantu ay cadar geysoo
Ka dugaansanaayeen
Ragga dowga horseeday
Weey ducaysan yihiine
Weeynaan dhistirnaayoo
Inagoo isku duuban
Dawladda isbarbar taagnoo
Daacad ula shaqeeyoo
War dadkaygoow
Hooy dadkooy
Waa daruuri
Dawga ceela tagayoo
Dalkiibaa isku xirmayee
Degdeg aan u bilowno
Inbadan baan dayacnaynoo
Daruuri sarajabi
Daalo daawashadeedaa
Quruxdii dalka hooyaa
Dawla aan laga maagin
Inbadan buu dararnaayoo
Muruqii na dihnaayoo
Dahabkii qodanwaayoo
Dawladaa reer galbeedkiyo
Dadka kale aan sugaynoo
Ragga dowga horseeday
Weey ducaysan yihiine
Weeynaan dhistirnaayoo
Inagoo isku duuban
Dawladda isbarbar taagnoo
Daacad ula shaqeeyoo
War dadkaygoow
Hooy dadkooy
Waa daruuri
Dawga ceela tagayoo
Dalkiibaa isku xirmayee
Degdeg aan u bilowno
Inbadan baan damanaynoo
Hadal un daldalynoo
Dadkalaa la dhisaynoo
Danta guud la illaawoo
Hoosba looo dayin waayay
Ragga dowga horseeday
Weey ducaysan yanayaane
Weeynaan inaan la dadaalnoo
Muruqeenna kudeeqnoo
Kudarnaa hantideennoo
Daacad loola shaqeeyo
War dadkaygoow
Hooy dadkooy
Waa daruuri
Dawga ceela tagayoo
Dalkiibaa isku xirmayee
Degdeg aan u bilowno