hibooy hoodaalayeey
hilaac muuqdaad tahoo
tabtii hodan baad tahoo
hilaac quruxda ugu eeg
xishoodka hablaha huwaney
hagoogta asluubta kuyaal
hooyadii kusoo korisaybaa
hufnaan lagu dheehayoo
horjooga iyo haybadana
hidahaha diinteena iyo
hibiyo qurux baa udheer
hablaha soomaaaliyeed
haweenka aduunka jira
hormodkoodi bay noqden
hibaha qurux baa udheer
ninkii helaa ba cawo leh
anigu kuu hanweyniyoo
hadaad kulanaa haween
haasawaha ila wadoo
hurdana aanan is arag
hibooyhadalkaaga wacan
marnaba kama haanayee
hayboow hoodaale weeyee
halyey geesiyaad tahee
hugaan xidhan nayiyo
goaan huwadaa tahee
labada hooyada dhashooo
horaad wada nuugtabaa
isaga hilif dhawoo

Exit mobile version