Hibooy hodaalayeey
hilaac muuqda tahoo
habkii hodan ba tahoo
hilaac quruxda uga eg
xishoodka huwane
hagoogta asluubta xiran
hooyadii so korisaybaa
hufnana lagu dheehayoo
horjooga iyo heybadana
hidaha diintena iyo
hiba iyo qurux ba u dheer
hablaha somaliyeed
hawenka aduunka jira
hormuudkoodi bey noqdeen
hibana qurux ba u dheer
ninkii helaa cawa leh
anigu ku hanweyniyoo
hadaan kumanaan habeen
haasaawaha ila wadoo
hortana aanaan is arag
hibooy hadalkaga wacan
marnaba kama haabayee

heybow hoodaale wiil
halyeey geesi ba tahe
hogaan xidhanayay iyo
go,aan huwanayay baa tahe
labada hooyadu dhashee
horaad wada nuugtay baa
isaga hilib dhawnahoo
hadh iyo geed beynu nee
hido iyo dhaqan beynu nahe
hal iyo nirig beynu nahe
han iyo dookh beynu nahe
sinaba uma kala harnee
anigu kuu han weyniyo
hadaad kumanaan habeen
mudana aan is arag
ogow hadalkaga wacan
heybow kama haadayee

Exit mobile version