Heesta Ayaan daran - Lyrics
axdi iyo kitaabkii ninka oofin waayoow
ashahaada been laha uurkana dabaayoow
aasanaha muuqdee ilkaha noo cadeeyoow
aakhiriyo aduunkaba anigaa u aayayee
ayaan daraneey ayaad eersanaysaa
ubadkeeni soo korayee ninka kala eryayoow
dhalinyarada ubaxa kan u kala batiriyoow
isagoon indhaha lahayn ninka ooda jiidhaw
aakhiriyo aduunkaba anigaa u aayayee
ayaan dareen oo ayaad eersanaysaa
ninka amarka diidoo iimaanka beela
aqbalaynin taladoow
gobanimada eedaha isticmaarka jecelow
aakhiriyo aduunkaba anigaa u aayayee
ayaan daraneey oo ayaad eersanaysaa